Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa kulan la qaatay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.
Kulanka u dhexeeyay Madaxweyne Waare iyo Sheekh Shaakir ayaa looga hadlay xaalada guud ee deegaanada Hirshabeelle iyo Gamudug iyo arrimihii ugu dambeeyay Galmudug.
Sidoo kale Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan labada Golle ee Hirshabeelle,Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo xubno kale oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Hoggaanka Ahlusunna Waljameeca,isagoona la hadli doono  arrimo la xiriira Masiirka Deegaanno ka tirsan Hirshabeelle.
Dhinaca kale waxaa la filayaa Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare in kulan uu la yeesho Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.
Warar la helayo ayaa sheega in labada dhinac ay ka wada hadli doonan arrimo kala duwan oo ku aadan xaalad guud ee deegaanada maamulka Hirshabeelle iyo arrimo kale oo la xiriira xalkii laga gaaray Khilaafkii ka jiray maamulka Gobolka Hiiraan.