Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah u furay shirka maalgashiga Puntland, waxa uu Madaxweynuhu ka jeediyey khudbad aad u muhiim ah oo si dhaba u taabanaysa arrimaha Maalgashada ee Puntland.
Shirka Maalgashiga Puntland ayaa ka furmay Caasimadda Puntland ee Garoowe, waxaa ka qayb-gelaya Maalgashadayaal Caalami ah, Ganacsato Soomaaliyeed, siyaasiyiin, Hay’addo caalami ah iyo masuuliyiin kale.
Sidoo kale Shirka ayaa waxaa uu socon doonaa Muddo saddex maalmood ah,isla markaana waxaa Khudbado ka jeedyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka maamulkasas Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay in shirkani maanta qabsoomo, dadkii lagu casuumey intoodii badnayd inay soo aqbalaan oo kasoo qayb-galaan waa calaamad dhiirigelin anaga noo ah in hadafyadii ugu waaweynaa ee aan ka lahayn shirkan intiisii badnayd ay qabsoontayâ€
Dadka reer Puntland waa dad caan ku ah nabad jacaylka iyo xasiloonida, saldhigga noloshooduna uu yahay ganacsiga iyo ka shaqaynta horumarinta nolosha, xirfaddii yarayd ee ahayd bucshirada waxay gaysiisay horaantii qarnigii 19-aad markay ku filnaan weydey degaanadooda inay u baqoolaan degaano kale oo ka baxsan Puntland haddaa tariikhda dib u raacdaan degaanada Soomaaliyeed oo dhan, waxaad ku arkaysaan dukaanadii iyo ganacsiyadii ugu horaysey waxaa lahaa dad reer Puntland ah iyo dad carab ah oo weliba Yamaniyiin u badan, waxay u talaabeen Africa Kenya, Tanzania, Uganda, Zambia, iyo South Africa dadka inta badan hormuudka u ahaa ganacsiga waxay u badnaayeen dad reer Puntland ah, Waxaan aad u arkay wadamada khaliijka Imaaraadka iyo Sucuudiga waxaa ka furtay ganacsato reer Puntland ahâ€. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahai Deni ayaa si rasmi ah u furay shirka maalgashiga Puntland oo muhiimad gaara siinaya, taageerayana ka faa’iidaysiga khayraadka dihin ee Puntland ceegaaga, gaar ahaan maalgelinta fursadaha jira, waxaana uu Madaxweynuhu u mahadnaqay dhammaan shacabka reer Puntland oo taageeray qabsoomidda shirkan, kaas oo socondoona sadex maalmood oo maanta ku jirto 15-17, Sep, 2019.
Â