Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan ku sugan Hoolka Shirarka ee Dugsiga Janaraal Kaahiye halkaas oo uu goor dhaw si rasmi ah uga furi doono Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka.
Sdioo kale Xarunta dugsiga Tababarka Booliska ee Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho eek a soco Munaasabada Furitaanka Kalfadhigii Shanaad ee mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugna Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,Duqa Muqdisho. Xildhibaanada Golaha,Xildhibaano ka socda dowlad goboleedka dalka,xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo Marti Sharaf kale.