Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee caasimadda Garoowe ku Sagootiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo muddo sagaal cisho ah Garoowe u joogey shirkii Wada-tashiga Madaxda Soomaaliyeed.
Sagootinta weftiga Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.
Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxaa maalimihii la soo dhaafay Shir uga socday Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir,hayeeshee shirkaas ayaa kusoo dhamaaday Fashil sida ay sheegeen qaar kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada dalka.