Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kala qeyb galay madaxda kale ee Qaaradda Afrika kulanka furitaanka Madasha Dhaqaalaha ee Ruushka iyo Afrika oo socon doonta 23-24 bishan.
Shirweynaha ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada.
Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo Ruushka, dhaqaaleyahanno calami ah, Shirkado waaweyn oo dhanka maalgashiga ah iyo Golaha Guud ee Ururka Midowga Afrika, waxa uuna dalkeenna u yahay fursad aynu ku sii ambe-qaadno qorsheyaasha dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo soo bandhigidda fursadaha maalgashi ee ka jirta dalka .