Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Goordhow Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ka furay shirka Wadatashiga dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dowladda Federaalka,kuwa maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir,waxaana hoolka ku sugan  Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Madaxweynaha Jubbaland,Madaxweynaha Hirshabeelle,Madaxweynaha Koonfur Galbeed,Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha Puntland oo Madaxda isugu yeeray Shirakn.
Shirkan wadatashiga ah waxaa looga hadlayaa  arrimo kala duwan,waxaana kamid ah Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga dalka.
Arrimaha sida gaarka ah shirkan looga hadlayo waxaa ka mid ah arrimaha Dastuurka, gaar ahaan qodobada u baahan xal siyaasadeed, wadashaqaynta dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada iyo u diyaar garowga doorashooyinka guud ee dalka.
Ammaanka guud ee Magaalada Garoowe ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waxaana meel la dhigay Ciidamo gaar ah oo loogu tala galay sugida amniga Magaalada Garoowe inta uu socdo shirka.