Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdu uu hogaaminayo ayaa Goordhow ayaa gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Badaweyne u tegay si uu ugu kuur galo xaaladda bini aadamnimo ee ka dhalatay fatahaadda Wabiga Shabeelle iyo howlaha gurmadka ah ee Hay’adaha Dowladdu ay ka wadaan deegaannadaas.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay Baladweyne.
Deegaano badan oo kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka socda gurmad xoogan oo loo sameeynayo dadkii fatahaada Wabiga Shabeelle ku saameeysay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.