Yoweeri Museveni ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Britain, Boris Johnson kula kulmay Xafiisyadad Ergadda Joogtada ee Uganda u joogta QM.
Labada Mas’uul waxay magaalladda New York kaga qeyb galayaan Shirweynaha 72-aad ee Golaha Guud ee QM oo shalay furmay.
Wargeyska The MONITOR ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayaa qoray inay Yoweeri Museveni iyo Boris Johnson kaga wada hadleen Xaalladda Ammaanka ee dalalka Somalia, South Sudan iyo Burundi.
Madaxweynaha Uganda waxa uu walaac xooggan dadaalka Beesha Caalamka ee Hawlgalka looga guuleysan lahaa Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu ku baaqay in la xoojiyo Taageeradda Qalabka ee la siinayo Hawlgalka AMISOM si ay u dhamaystiraan waxa uu ugu yeeray Shaqadooda.
Uganda waa dalkii ugu horeeyey ee Ciiddamo u soo daad-gureeyey Somalia sannadkii 2007-dii, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM.
Hoos Ka Daawo Sawirrada