Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulankii labaad maanta qasriga madaxtooyada kula qaatay gudoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo Waddani, Eng Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Markii kulankaasi laga soo baxayna wax warbaahinta la hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Waddani waxaanay shacbiga Somaliland ugu bushaareeyey in la isla qaatay inta ka horaysa 10/01/2020 in laga shaqeeyo oo la gudo galo qodobadii hore loogu heshiiyey loona dhamaystiri lahaa si looga gudbo caqabadihii ku gadaamnaa doorashooyinka.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa kulamo joogta ah yeelanayay guddomiyaasha xisbiyada mucaradka ee Somaliland iyo madaxweynaha maamulkaas oo intooda badan ka hadlayay khilaaf ka dhex taagnaa xukuumadda iyo Xisbiyada oo ku aaddanaa doorashooyinka Somaliland.