Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo wefdi uu hogaaminayay ayaa haatan ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo halkaas oo ay ka socoto soo dhaweyntiisa oo ay ka qeyb qaadanayaan madax iyo dad shacab ah.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada iyo shacab aad u fara badan ayaa garoonka ku soo dhaweeyay Siciid Deni iyo wefdigiisa iyada oo loo gudbinayo guriga martida ee magaalada Kismaayo.
Soo dhaweyn heer sare ah ayaa loo sameyay wefdiga madaxweynaha Puntland oo ka qeybgelaya calema saarka madaxweynaha maamulk Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dhowr jeer dib u dhacday.