Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Wafdiga ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Jubbaland ee martida loo yahay madaxweynaha Koonfur galbeed, xildhibaano iyo Boqolaal ka mid ah Shacabka Magaalada Kismaayo.
Waare ayaa Diyaaradii siday waxa ay ka duushay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho maadaama uu maalmaahan ku sugnaa Muqdisho,waxana kas ii horeeyay Madaxweynayasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed.
Masuuliyiintaan ayaa dhamaantood waxa ay ka qeybgeli doonaan Shirka la filayo in Maalinta berito ah uu ka furmo Gudaha Magaalada Kismaayo.
Waxaa harsan oo kaliya Madaxweynaha Maamulka puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas oo la sheegay in uu xoogaa khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiin Xaaji Cumar Cameey.