Kulankaan oo ujeedadiisu aheyd sidii Qaramaa Midoobay,gaar ahaan Hey’sffs Cuntada Dunida ay u ogaan laheyd Xaaladaha Ka jira Deegnaadda dowladda Koonfur Galbeed ,waxaa uu ka dhacay Xarunta Aqalka Madaxtooyada ku meel Gaarka ee Magaalada Baydhabo
Kulanka inta uu Socday,waxaa looga hadlay Sidii Hayâ€adda WFP ay u kordhin lahayd Arimaha Gargaarka ee ay ka wado Deeganadda Koonfur Galbeed Somaliya Waxaana Madaxa Hayâ€adda WFP uu Sheegey inay kordhin Doonan Kaalmada Bini adan nimo ee ay ka wadan Gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa u mahadceliyey Madaxda Hayâ€adda WFP Waxaana uu ku dhiiro Geliyey inay kordhiyaan Sidii Kaalmada Bini adan nimo ee ay kawadan Koonfur Galbeed ay u joog tayn lahayeen.