Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar gelinta Arrimaha dib u eegista Dastuurka Dalka,kaasi oo la filayo in dhawaan loo bandhigo dadweynaha Soomaaliyeed.
Shirkaasi waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Cabdi Xaashi C/llaahi,Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed,Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo guddoomiyaasha Guddiyada Dastuurka Qaran iyo kan madaxa banaan.
Mudadii uu kulankaasi socday ayaa waxaa siweyn looga hadlay sidii loo heli lahaa Dastuur dhameystiran oo uu Dalku yeesho ka hor dhamaadka sanadka 2018-ka si bulshada Soomaaliyeed ay aftidooda uga dhiibtaan dastuurka.
Mudane Maxmaed Cabdulahi farmaajo ayaa sheegay in Hay’adaha Dastuurka dalka looga fadhiyo hab iskaashi ah oo looga mira dhaliyo howsha dib eegista dastuurka si shacabku codkooda wax ugu doortan mustaqbalka dhaw.
Sidoo kale waxaa lagu booriayay gudiyada uu quseyso arrimaha dib u eegista Dastuurka Dalka in ay wadashaqeyn dhow ka yeesheen sidii loo dardar gelin lahaa arrimahaasi waqti dhowna la soo afjaro dib u eegistaasi Dastuurka oo muhiim u ah doorashooyin ka dhacidoona Dalka.