Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo Arbaco lagu soo gaba-gabeyn doonaa Shirka Caalamiga ee Iskaashiga Soomaaliya oo shalay ka furmay,kaasi oo horey loogu qaban jiray dalalka Yurub.
Madasha ayaa waxaa ka qeyb galaya wakiillo ka kala socda in ka badan 50 dal,Safiirro iyo Shirkado ganacsi oo caalami ah,waxaana si rasmi ah u daah-furay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.
Sidoo kale Shirka ayaa waxaa ku biiray qaar kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada dalka sida Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Madaxweynaha Hirshabeelle,Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish.
Waxaa ka qaban oo kaliya Madaxweyneyaasha maamul Goboleedka Jubbaland iyo Puntland,kuwaasi oo gabi ahaan qaadacay Shirka,isla markaana sheegay in Casuumaadkii Shirka ay ka arkeen baraha Bulshada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa inuu soo gaba-gabeeyo Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya oo shalay ka furmay Magaalada Muqdisho.
Qodobada ugu muhiimsan ee Shirka looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah Arrimaha Cadaalada,Amniga,Bulshada,Siyaasadd iyo kuwo kale oo muhiim u ah dalka.