Qoraal kooban oo la soo dhigay Barta Twitter-ka ee Warbaahinta Goobjoog ayaa waxaa Ogeysiis ahaan loogu sheegay inaysan awoodi Karin inay wax cusub ka baahiyaan Warbaahinadooda kala ah Goobjoog TV, Goobjoog FM iyo Gool FM.
Qoraalka waxaa lagu xusay in Istuudiyayaasha Warbaahinta Goobjooge Media uu burbur ka soo gaaray Qarixii xoogganaa ee shalay ka dhacay Isgoyska Zoope ee magaalladda Muqdisho.
Xarunta Dhexe ee Goobjoog Media waxay ku taalla meel aan ka fogeyn halkii uu shalay ka dhacay qarixii ay dadka badan ku geeriyoodeen, kuna dhaawacmeen.
Halkan ka Akhriso Qoraalka Wargelinta ee la soo dhigayTwitterka (@Goobjoognews):
NOTICE: We’re not able to provide any updates on Goobjoog TV, Goobjoog FM and @GoolFM cos our studios were damaged in yesterday’s bombing pic.twitter.com/rfIS9nj…
21 mins ago · Twitter