Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa guda galay dhismaha Groonka iyo Dekada Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ahna Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.
Dhismahaan oo ay Hay’addo kala duwan ka taageerayaan qarashka ku baxaya Maamulka Koonfur Galbeed ayaa haatan ka socda Baraawe oo la filayo in ay u guuraan Masuuliyinta Maamulka Koonfur Galbeed maadaama ay si KMG ah ugu Shaqeeyaan Baydhabo.
Shalay ayaa waxa booqday masuuliyiin uu hoggaaminayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed Shariif Sheekunaa Maye,oo uu wehlinayay Wasiirka Amniga Xasan Xuseen Maxamed ( Eelaay) iyo Masuuliyiin kale.
Masuuliyiintaan ayaa waxa ay sheegeen in dhawaan loo soo guuri doono Baraawe,isla markaana howsha dhismaha Dekada iyo Garoonka ay u socdaan sidii loogu talo galay.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.