Shir mudo ka socday degmda Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa las oo gaba gbeeyay gelinkii dambe ee manta kas oo lagu xalinayay dagaal ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda ku dhexmaray degmada Qoryooleey.
Kulanka dhex dhexaadinta ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Shabeellah Hoose,waxaana ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlmaanka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qeyb qaatay kulanka dhex dhexaadinta ah.
“Halkaan waxaan ugu mahad celinayaa senatorada,xildhibaanada BFS, wasiirada KGS ee kala ah arrimaha gudaha iyo xanaanada xoolaha, ugaasyada iyo nabadoonada degmada qoryoley, ciidamada AMISOM iyo kuwa deegaanka ee LOCAL POLICE sida diiran ee ay noo soo dhaweeyeen iyo kaalintii ay ka qaateen in lasoo afjaro khilaafkii nasiib darada ahaa ee dhexmaray qaar ka mid ah ciidamada difaaca degmada qoryoley ayuu yiri Gudoomiyahaâ€
Hoos Ka Daawo Sawirada kulanka.