Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo uu wehlinayay  Taliyaha Ciidamada Nabad-Sugida Gobolka Hiiraan Cabduqaadir Maxamuud ayaa saakay Baladweyne waxa ay Warbaahinta ugu soo bandhigeen  meydka nin dhalinyaro ah oo ku dhintay qarax miino oo uu ku aasayay wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif  & M/Baladweyne.
Cali jeyte Cismaan Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo Warbaahinta kula hadlay Baladweyne ayaa sheegay in Ninkaan uu doonayay in uu dadka Shacabka ah ku dhibaateeyo miinadaan balse ay isaga ku qaraxday.
Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Ciidamada Amniga in ay tallaabo ka qaadaan cidkasta oo lala xiriirinayo in ay ku lug leedahay falal lidi ku ah amniga.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.