Suxufi Cumar Siciid Maxamed (Cumar Dheere) ayaa maxkmadda gobolka Nugaal maanta ku siideysey damaanad kadib markii ay caddaatey in muddo 6 maalmood ah uu u xirnaa isaga oo aan la dacweyn maxkamadna aysan xukumin
Subaxnimada maantey oo Sabti ah ayaa Cumar Dheere la geeyey Maxkamadda derajada kowaad ee gobolka Nugaal kadib markii amar ka soo baxay guddoomiyaha Maxkamadda ee ururka MAP dacwadda u gudbiyey
Maxkamdda ayaa damaanad ku siideysey Cumar Dheere ilaa la helayo cidda dacweysey ee xirtey.
Siideynta Wariyaha ayaa waxaa si aad ah u soo dhaweeyay dhamaan Wariyaasha ku sugan Magaalada Garoowe iyo guud ahaan deegaanada Maamulka Puntland
Sawirro