Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay Shir u dhaxeeya Xubno ka kala socda Ururka ONLF iyo qeyb ka mid ah Dowladda itoobiya oo mudo dhowr Sano ah wada dagaalamaya.
Shirkaas ayaa ah mid lagu dhex dhexaadinayo labada dhinac,waxana Dowladda itoobiya matalaya Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo Gen, Gabre oo ah Sarkaal Itoobiyaan ah.
Dowladda Kenya ayaa dhex dhexaadineysa labada dhinac,waxaa sidoo kale Ururka ONLF matalaya Madaxa Arrimaha Dibada ee Jabhadaas oo lagu Magacaabo Cabdiraxmaan Maadeey.
Shirka ayaa Maalmaha uu socdo waxaa lagu soo qaadi doonaa arrimo ay ka mid yihiin sidii ay heshiis u wada gaari lahaayeen dhinacyadaas mudada dagaalamaya iyo siideynta Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mid ah Madaxda Ururka ONLF kaas oo Dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay Dowladda Itoobiya.
Jabhada ONLF aya ah Urur hubeysan oo la dagaalama dowladda Itoobiya,waxana inta badan dagaalooda uu ka dhacaa deegaannada Soomaalida degto ee loo yaqaano Kilinka Shanaad.