Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa Maanta booqday Ciidamo la Qarameynayo,isla markaana loo diyaarinayo dagaal ka dhan ah Al-shabaab.
Booqada uu ugu tegay Ciidamada Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa ku wehlinayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamedc Lafta-gareen iyo Saraakiil Ciidan.
Xasan Cali Kheyre ayaa Ciidanka uu u tegay ayaa waxaa loo diyaarinayaa xoreynta deegaannada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin Gobolka Bakool.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Ciidamada u balan qaaday inay heli doonaan Mushaaraadkooda iyo Aqabkooda Dhamaystiran,isagoo kula dardaarmay inay ku Dadaalan sidii Al-shabaab uga saari lahaayeen Guud ahaan Gobolka Go’doonsan ee Bakool.