Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay qarax Gaari oo ka dhacay Wadada Maka-Almukarama Agagaarka isgOyska Dabka.
Gaari nooca raaxada ah ayaa la sheegay in uu qarxay,iyada oo hada Gawaarida Ambalaaska ay sameynayaan gurmad deg deg ah si dadka ku dhaawacmay ay isbitaalda u geeyaan.
Ilaa 4 ruux ayaa la xaqiijiyay in qaraxaAs ay ku geeriyoodeen iyada oo dhawacuna uu intaas ka badan yahay sida ay soo sheegayAan Wariyaasheena Goobta ku sugan.
Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaa Goobta ku sugan kuwaas oo qaraxa faah faahin doona.
Sawirro