Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka dowlad Goboleedka Jubbland ee NISA gaar ahaan kuwa ku sugan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegeen in Miino Al-shabaab ay ku aaseen goobo ku yaalla degmadaas ay ka soo saareen.
Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Degmada Baardheere Captain Axmed Garab Gooye ayaa sheegay in Miinada ay soo saareen la doonayay in dadka shacabka ah ee ku dhaqan Baardheere lagu dhibaateeyo,isla markaana lagu raad joogo ragii dhigay miinada.
“Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ee Degmadda Baardheere ayaa miinadan xalay ka soo saaray goob ay ku aaseen Alshabaab iyagoo doonayay in ay dadka shacabka ah ku dhibaateyaan Taliyaha Ciidanka Hay’adda Nabad sugida Degmada Baardheere Captain Axmed Garab gooye ayaa sheegay in lagu raad joogo ragii dhigay miinadanâ€ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska nabadsugidda Jubbalabd.
Si kastaba Taliska Hay’adda Nabadsugida Jubbaland ayaa dhowr mar soo bandhigay minooyin ay sheegeen inay fashliyeen,hayeeshee weli Al-Shabaab aysan ka hadlin.