Maamulka Degmada warshiiq ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka warbixiyay howlogalo ay ku joojinayaan xaalufinta iyo ka ganacsiga dhirta Dhuxusha laga sameeyo,taasi oo ka socota deegaanoo ka tirsan Gobolkaasi.
Deegaanada ay ka socdaan xaalufinta dhirta Dhuxusha laga sameeyo aya kamid ah deegaanka Ceel-Macaan oo hoostaga degmada Warshiiq ee Gobolka SHabeelada Dhexe,halkaasi oo lagu soo bandhigay gaadiid si qarsoodi ah laagu soo daabulay dhuxushaasi.
Guddoomiyaha degmada Warshiiq ee Gobolka Shabeelada Dhexe Axmed Xuseen Shiidka ayaa sheegay in jarista dhirta ay keeneyso nabaadguur kuyimaada dadka iyo deegaanka,iyagoo uga digay dadka ku howlan arrimahaasi in ay ka waantoobaan.
“Arrintani oo ku saabsan dhirt aiyo xaalufinteeda,arrintasi ayaa dhibaato nagu haysao,waxaa arrintaasi ku howlan dad lacago u wata in ay halkani shaqaalo keensadaan kadib dhuxulo ay uga sameeyaan jarista Dhirta,dhawaan waxaa dhacday in iska hor imaad halkaasi uu ka dhaco kadib markii isku dhac uu ka dhashey deegaanada ay ka socdaan jarista dhirta,gaar ahana dad diiday in deegaankooda laga jaro dhirtaâ€. Ayuu yiri guddoomiyaha Warshiiq.
Dhanka kale Qaar ka mid ah dadka  deegaanka Ceel-macaan oo ka hadlay arrinta lagu joojinayo jarista dhirta Dhuxusha lagu sameeyo ayaa tilmaamay in aysan marna ogolaan doonin in laga xaalufiya dhirta deegaanada gobolka shabeelaha dhexe,iyagoo soo dhaweeyey go’aanka mamulka uu arrimahaasi kaga hortagayo,si looga fogaado nabadguur kuyimaada deegaanka.