Howlgalkan ay sameeyen Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan Gobolka Shabeelada hoose ayaa lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab, iyadoo sidoo kale looga qabsaday Hub iyo saanad kale oo ay u adeegsan jireen.
Illaa 7 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu khaarijiyay howlgal ballaaran oo Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen bar ay ku dhuumaaleysanayeen oo ku dhow degaannada Gendershe iyo Dhanaane oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose,iyadoo sidoo kale laga qabsaday Hub iyo rasaas 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey.
Taliye kuxigeenka qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare ; Xasan Aadan Xaashi ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in howlgalkaasi khasaare xooggan ay ku gaarsiiyeen Alshabaab.
“Howlgalada waxaa ay ka dheceen Dhanaane iyo Gendershe,waxaan ku dilnay 7 ka tirsan argagixisada,hubna waan ka furanay,waxay isugu jiraanm AK 47, BKM,Sabanno,iyo rasaas badan oo ay dadka ku dhibaateynayeenâ€. Ayuu yiri taliye Xasan Aadan.
Saraakiisha kala ah Gaashaanle; Sare Xasan Aadan Xaashi, Taliye kuxigeenka qeybta 12ka April ee Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare; Maxamed Maxamuud (Qataatow), taliyaha Gurmadka 12 April iyo Taliyaha Guutada 1-aad ee qeybta 12 April Gaashaanle Dhexe; Cali Maxamed Nuur oo ku sugan degaannada ay ka socdaan howlgalladaasi ayaa ku bogaadiyay Ciidamada in ay sii laba jibbaaraan gulufka ka dhanka ah ee Al-shabaab.
Dhawaan ayay ahayd markii in ka ban 30 ka tirsan Al-shabaab lagu dilay deegaanka Ceel Saliini ee hoostaga Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose.