Ciidamada amaanka ee Dowad Deegaanka Soomaalida ayaa howlgalo waxaa ay ka sameeyeen Xaafado ku yaalla Magaalada Jigjiga,iyagoo kusoo qabtay dad u badan dhalinyaro.
Inta uu howlgalka socday ayaa Ciidamada waxaa ay kusoo qabteen in ka badan 480 dhalinyaro ah,kuwaasi oo lagu tuhmayayo inay falal amni darro ah ka wadeen xiliyada habeenkii ah qaybo ka mid ah Magalada Jigjiga.
Gaashaanle Sare Deeq Carab Ibraahim Madaxa dambi ka hortaga Ciidanka Booliska DDS oo warbaahinta la hadlay ayaa u xaqiijiyay in raggas la qabtay xogtooda Ciidanka uu haayay,isla markaana qaar kamid ah dhalinyarada xabsiga la dhigay,halka kuwo kalena la siiyay.
Sidoo kale Deeq Carab Ibraahim ayaa waxaa uu sheegay in dhalinyada la xiray lagu sameeyn doono baaritaano,isla markaana Ciidanka Booliska Dowad Deegaanka Soomaalida ay sii wadi doonaan howlgalada laga sameeynayo Magaalada Jigjiga.