Shirweynihii 29-aad ee Madaxda Carbeed ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo magaalladda Dhahraan ee dalka Sacuudiga, iyadoo ay inta badan Hoggaamiyayaasha Dowladaha ku jira Ururka Jaamacadda Carabta ku sugan yihiin Madasha Shirka.
Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo Wareysi siiyey Wargeyska Alsharqal Awsad ayaa sheegay in Kulan Madaxeedkaasi looga hadli doono Xiisadaha Xasaasiga ah ee ka taagan Dunida Carabta, gaar ahaan dalalka Somalia, Syria, Yemen, Libya, Iraq iyo Qaddiyadda Falastiin, gaar ahaan Qorshaha Maraykanka ee uu Safaraadiisa ugu soo rarayo magaalladda barakaysan ee Qudus-ta la-haysto iyo La-dagaalanka Argagixisadda.
Madaxweynaha dalka Jabuuti waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Xal Siyaasadeed lagu dhameeyo Khilaafka dalalka Carbeed, si ay dadka Carbeed ugu noolaadaan Deganaansho.
Mar wax laga weydiiyey Ciiddamadda shisheeyaha ee Saldhigga ku leh Jabuuti, waxa uu xusay inay ka qeyb qaataan Badbaadinta Maraakiibta iyo La-dagaalanka Argagixisadda.
Dhinaca kale, Dowladda Sacuudiga ayaa la filayaa inay dhexdhexaadiyaan Madaxweynaha DFS iyo dhigiisa dalka Imaaraadka Carabta, si xal looga gaaro Xiisadda Diplomaasiyadeed ee Labada Waddan.