Munaasabad xariiga looga jarayay Ceel B0iyood ay ka faa’iideysteen in ka badan 1600 oo qoys una badan dad ka soo Barakacay degmyooyin kala duwan oo dalka ah isla markaa ay dhaceen dagaalo iyo abaaro ayaa maanta lagu qabtay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cumaan Libaax Ibraahim, Guddoomiyaha Degmada Dayniile Maxamed Cali Jacfar, Cali Cabdi Weheliye oo ah madaxa ugu sareeya Hay’adda Save the Children ee Muqdisho iyo boqolaal qoys ee ka faa’iideystay mashruucaan.
Wakiilka Hay’adda Save Save the Children Cali Cabdi Weheliye oo ugu horeyn ka hadlay xafladda ayaa sheegay in Ceelkaan ay qodday Hay’adda badbaadada Caruurta isla markaana ay kala shaqeysay wasaaraddda macdanta iyo Biyaha ee dalka Jarmalka,isaga oo tilmaamay in ay ku wareejiyeen Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka degmada Dayniile si ay ugu wareejiyaan dad si gaar ah u maamuli doona si daryeel loogu helo.
Dhinaca kale Cali Cabdi Weheliye ayaa sheegay in dhulka laga dhisay Ceelka ay ugu deeqeen dadka deegaanka iyo maamulka oo wadajira bilihii ugu horeyana uu daboolay cariiri ka jiray deegaanka oo dhinaca Biyaha ah,Ceelka waxa uu tilmaamay in uu leeyahay matoor ku shaqeeya soolarka dabka ka dhaliya ilayska cadceedda.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha ayaa uga mahadceliyay maamulka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir iyo hay’adda ka jawaabtay cabashada shacabka degan degmadaas oo u badan Barakacayaal dhibaatooyin kala duwan la daalaa dhacayo haba ugu darnaadaan Biyaha oo ay noshooda uga soo qaadi jireen meelo fog.
Ugu dambayntii Guddoomiyaha degmada Dayniile oo ka sheekeeyay qorshaha fulinta mashruuca ayaa sheegay in lagu diirsaday waxaana uu tilmaamay in shirkadda gaarka ah ee lagu wareejiyay ceelka ay ku Koontorooli doonaan Wasaaraddana uga mahadceliyay wadashaqeynta wasaaradda iyo Hay’adda daryeelka Caruurta ee Save the Children.