Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta saldhiga Degmada Hodan kusoo bandhigay illaa 10 ruux oo lagu eedeeyay in ay lacago sharci darro ah ka qaadi jireen qoysaska barakacayaasha ee ku dhaqan qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Dadkaan ayaa ahaa kuwo iska dhigi jiray Hey’addaha samafalka ee bixiya lacagaha, iyadoona kooxdaan ay dadka ka qaadayeen sawiro iyo buuxinta foomam ay ku qoran yihiin Magacyada qoysaskooda.
Afhayeenka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar iyo Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan Cabdifataax Bashiir Cali, ayaa warfidiyeenada u sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in kooxo nuucaan oo kale ay ka howlgalaan Gobolka Banaadir, iyagoona shacabka ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan kooxaha Magaca Hey’addaha ku qaraabta.
Hoos ka Daawo Sawirrada dadka la soo bandhigay.