Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yarisow) ayaa Maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Culumada Soomaaliyeed.
Eng, Yariisow iyo Culumada uu Maanta la kulmay ayaa waxaa a mid ahaa Gudoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo kuwo kale.
Gudoomiye Yariisow ayaa Culumada Soomaaliyed ku ammaanay doorka ay ka qaadanayaan dhnka horumarka iyo Cadaalada Gobolka Banaadir.
“Culumada Soomaaliyeed waa indhaha bulshadeenna, waxa ay hormuud ka yihiin tallaabo kasta oo gobolku u qaadayo dhanka horumarka, cadaaladda iyo amniga. Maamulka gobolka Benaadir waxaa ka go’an kamira dhalinta dadaallada culimada iyo sidii loo joogteyn lahaa ka talagelintooda ku aaddan qorsheyaasha lagu horumarinayo bulshada Benaadirâ€