Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa shir guddoomiyey Shir looga hadlayey Barnaamijka Deriseynta iyo amniga Muqdisho oo lagu qabtay Xarunta dowladda hoose ee Xamar.
Shirkaan, ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xiggeenada iyo xoghayaha maamulka Gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha dagmooyinka Gobolka, Saraakiisha Ciidamada iyo Ururada Bulshadda.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed, Â ayaa sheegay in Barnaamijka Deriseynta iyo Amniga uu aad muhiim ugu yahay Bulshadda Gobolka Banaadir ku nool, waxaana uu ugu baaqay inay ka qeyb qaataan hirgelintiisa.
Hoos Ka Daawo Sawirrada