Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdi-wali ibraahim sh.Muudey ayaa Maanta la kulmay wafdi ka socday Baarlamaanka Dalka Turkiga.
Kulanka ayaa ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa hargaysa.
Guddoomiyaha oo ay wehliyaan Mudanayaal ka tirsan Golaha shacabka ayaa qaabilay wafdiga ka socday Baarlamaanka dalka turkiga oo uu hogaaminayay Safiirkii hore ee dalka turkiga oo hada ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi iyo Guddiga Saaxiibtinimada Somaliya iyo turkiga.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dardar galin lahaa wada-shaqaynta Guddiga saaxiibtinimada iyo Somaliya iyo Turkiga.