Labadii Maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka dhacayay shir looga hadlayay hanaanka sharciga Maamulka iyo Maaliyadda dalka.
Shirkaas ayaa waxaa รย si wadajir ah uga qeybgalaay gudiyadda maaliyadda ee labada Aqal ee JFS si loo dhameystiro รย sharciga Maamulka Maaliyadda dalka.
Hadafka shirka ayaa ahaa sidii loola imaan lahaa sharci Maaliyadeed oo dhamaystiran oo leh hufnaan la iskuna haleen karo oo ka hana qaada Dalka Soomaaliya.
Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow Dhagdheer ayaa sheegay in la isla gartay in ay muhiim tahay in sharcigani loo barbardhigo shuruucda caalamiga ah ee quseeya arimaha Maaliyadda si uu u noqdo mid la falgali kara shuruucda casriga ah ee caalamka.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka.