Guddiga doorashada Madaxa banaan ayaa Galabta Xarunta Golaha  Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku qabteen doorashada kursi ka bannaanaa Golaha Shacabka Soomaaliya kas oo uu ka geeriyooday Xildhibaan Siciid Xasan Geeddi.
Doorashadii Galabta ayaa labada musharax ee ku tartamayay mid ka mid ah uu maqnaa isla markaana Magaciisa Goobta laga sheegayay kaas oo ahaa C/raxmaan Axmed Ceynaan.
Guddiga doorashadu mashaacin sababta uu ku maqnaa musharaxa balse waxa ay fasaxeen in ay doorashada dhacdo sidaasna uu galabta 32 Cod uu ku soo baxay Fataax Siciid Xasan Geeddi oo uu dhalay Xildhibaankii kursigaan ka geeriyooday halka 4 Cod uu helay .
24,kii Bishaan ayaa kursigaan doorashadiisa ay dib u dhacday kadib markii buuq iyo rabshado ay ka dhasheen doorashadaas oo Xubintaan ka bannaan Golaha Shacabka ay lahaayeen beesha Gudubiirsi oo degta Gobolada Waqooyi ee loo yaqaano Soomaalilnd
Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Madaxa banaan Xaliimo Yareey ayaa ku dhawaaqday natiijada iyada oo sheegtay in kursigii xildhibaanimo ee uu ka geeriyooday Saciid Xasan Geeddi doorashadiisa uu ku soo baxay Wiilkiisa oo lagu Magacaabo Fataax Saciid Xasan Geeddi.
Hoos Ka Daawo Sawirarda Doorashada.