Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa Maanta waxaa uu kormeer ku tegay Xabsiga guud ee Muqdisho oo loo dhisay hab Casri ah.
Kormeerka Guddoomiye Yariisow uu ku gaaray Xabsiga guud ee Muqdisho ayaa waxaa ku wehlinayay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, Taliyaha Ciidamada Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaliya.
Sidoo kale Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanahay in maxaabiista ay helaan xaquuq sare oo leh hoy casri ah,raashin tayo leh iyo waxbarasho isagu jirta.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu sheegay in maxaabiistii ugu horreysay ay ku hoyanayaan Xabsiga weyn ee ku dhex yaalla Xarunta Ciidanka Astuubta Soomaaliyeed,kuwaasi Maanta si rasmi ah looga soo wareejiyey Xabsiga dhexe ee Xamar.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u istaageen xuquuqda muwaadiniinta.