Qeyba badan oo kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay dibadbaxyo ay sameynayeen kumaan kamid ah dhallinyarada kaxeysa mootooyinka nooca loo yaqaano bajaajta kuwaas oo ka cabanayay tacadiya kala duwan oo ay la kulmaan inta ay ku guda jiraan hool maal meedkooda magaalada iyadoo banaanbaxani uu ka dhashay kadib markii dil loo geestay mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka bajaajta ah iyo rakaab saarnaa mootadaasi.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) ayaa ku dhiiraday in uu hor istaago muwaadiniinta careysnaa ee maanta isku soo baxay waxuuna si kulul u canbaareeyay falkii manta dhacay isagoo sheegay in marnaba aan loo dulqaadan doonin xad gudub loo geesto muwaadiniinta caasimadda ku dhaqan.
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo dibadbaxyaasha dhankiisa la kulmay ayaa tilmaamay in sida ugu dhaqsiya badan sharciga loo horkeeni doono gacan ku dhiiglihii dilka geestay.