Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Magaalada Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay dhigiisa Turkiga Mustafa Γ ΕΎentop.
Kulanka Guddoomiye Mursal uu la qaatay Mustafa Γ ΕΎentop ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka tirsan labada Golle Baarlamaanka dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.
Sidoo kale labada Guddoomiye ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Baarlamaan iyo is dhaafsiga khibradaha iyadoo Gudiyada 2da Baarlamaan ay is dhaafsan doonaan Booqashooyin, sidoo kale waxaa aqoon kororsi iyo tababaro la siindoonaa shaqaalaha Baarlamaanka.
Inta uu soconayay kulanka u dhexeeyay labada dhinac Ayaa Gudoomiye Mursal ku Casuumay dhigiisa in uu yimaado dalka Soomaaliya.