Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa hoyga uu ka Degenyahay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Casha sharaf ugu sameyey Madaxweyneyasha maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle,kaasi oo ahaa sidii wada shaqayn Wanaagsan ay u dhexmari lahayd Gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen ) ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha Casha Sharafta uu u sameyey waxaana uu tilmaamay kan dowlad ahaa Koonfur Galbeed in ay kala shaqayn doonan sidii ay iska kaashan lahayeen Hormarka iyo Nabadaynta Caasimada Dalka iyo sidii xariir dhow ay uyeelan lahayeen Maadama Caasimada Soohin ay la leedahay Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta gareen ayaa tilmaamay in Guddoomiyihii Hore Allaha u naxariistee Eng Yariisow kala Dhexeyey wada shaqayn Wanaagsan iyo sidii kaalin muuqata ay uga qaadan lahayeen Sidii Shacabka Somaliyeed ee In ka badan 27 Sano dhibaato soo Maray ay Usamata Bixin lahayeen waxaana uu Bogaadiyey Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir in uu sidi wado shaqadii aa kayd ee ka Geeriyoodey Allaha u naxariistee Eng Cabdiraxman Cumar Cusmaan Yariisow.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sido kale Gudodomiyaha uga Mahadceliyey sida Wanaagsan ee u casuumay waxaana uu tilmaamay in kan Dowlad Goboleed ahaa si Dhow ay ula shaqayn doonan Mamulka Gobolka Banaadir Maadama Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir ay yihiin Gobolo Deris ah.