Guddiga Doorashada iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug ee uu dhawaan Magacaabay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa galabta Magaalada Dhuusamareeb ku doortay Guddoon Cusub.
Guddoomiyaha Guddiga ayaa loo doortay Yaasiin Sheekh Muxumed Cabdiraxmaan, waxaan Guddoomiye ku-xigeen loo doortay inuu noqodo Maxamed Yaxye Faarax oo kamid ah Guddiga Sheekh Shaakir.
Guddoomiye Yaasiin Sheekh Muxumed ayaa balan qaaday in Guddiga uu si wanaagsan u gudan doono shaqada loo idmaday, isla markaana ay bilaabi doonaan arrimaha Doorashada Galmudug.
Sidoo kale xubnaha Guddiga Doorashada Galmudug ee uu Magacaabay Sheekh Shaakir ayaa ka kooban 9-xubnood, inkastoo 3 kamid ah xubnihii Guddigaas ay is Casileen.
Dhinaca kale Magaalada Dhuusamareeb ayaa shalay waxaa Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen ku doortay Guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug oo ay magacaawday dowladda Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo Doorashada Madaxtinimada Galmudug, iyadoona qorshaha Doorashooyinka ay gacanta ku heyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.