Guddiyadda Arrimaha Guddaha iyo Difaaca ee Golaha Shacabka Oo Galabta kulan ku yeeshaya Villa hargaysa ayaa ka wada hadlay Xaaladaha Amni ee Maalmihii lasoo dhaafay ka jiray Dalka Gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Kulanka oo ay goob-joog ahaayeen inta Badan Xubnaha labada Guddi ayaa waxaa si wadajir ah u guddoominayay labada Guddoomiye Guddiyadda Xildhibaanad Fowsiyo Maxamed Sheikh iyo Xil.Xussein Carab Ciise.
Kulankaan ayaa yimid kadib markii Guddoonka Golaha Shacabka loo gudbiyay mooshin ka dhan ah dhanka Amniga taas oo Gudoonka uu shaaciyay in Guddiyada Amniga iyo Arrimaha Gudaha ay war is soo saari doonaan.