Maalintii labaad ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud waxaa ka degay diyaarado gargaar u sida Magalada Baladweyne maadaama garoonkii diyaaradaha Baladweyne uu xirmay.
Maanta ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ka degay labada Diyaaradood oo siday gargaar loogu talo galay dadka ka barakacay Baladweyne eek u sugan duleedka Baladweyne.
Shalay ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ka degtay diyaarad siday gargaar ay ku deeqday Hay’adda Unicef,waxana deeqdaas gargaarka ah isla Maanta loo qebiyay Shacabka ku sugan duleedka Baladweyne.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Maanta gaaray Baladweyne si Shacabkii uu saameeyey  fahaada Wabiga Shabeelle uu dhibaatada ugu qeybsado.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Gargaarka.