Qaraxaan Gaari ayaa gelinkii dambe ee Maanta waxa uu ka dhacay laami yaraha Zoobe ee Magaalada Muqdisho,waxa uuna ahaa mid gaari ay wateen loogu xiray Shaqaale mid ka mid ah Hay’addaha Samafalka.
Qaraxa ayaa jugtiisa inta badan waxaa laga maqlay degmooyin ka mid ah Muqdisho,waxaana Gaariga oo ahaa nuuca raaxada ah uu gebi ahaanba basbeelay(Gubtay),iyada oo ay ku dhaawacmeen laba ka mid ah Saddex ruux oo gaariga saarnaa.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta qaraxa,iyada oo aan ilaa iyo hadda la ogeyn Hay’adda ay sida rasmiga ah ugu Shaqeynayeen Shaqaalahaas gaariga miinada loogu xiray.
Qaraxyada gaariga loo adeegsado ayaa todobaadkaan ku soo badanaya Muqdisho,iyada oo dhawaan ay qaraxyo gaari ka kala dhaceyn agagaarka Isgoyska Sayidka iyo Xaafada Oodweyne oo ka tirsan Degmada Deeyniile ee Gobolkaan Banaadir.