Magaalada Bydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa lagu qabtay banaanbax lagu dalbanayay in uu Cadaalad helo isla markana la toogto Askarigii dilay Wasiirkii howlaha guud ee Xukuumdda Soomaaliya Cabaas Siraaji.
Banaanbaxayaasha oo soo maray Wadooyin farabadan oo ku yaalla Magalada Bydhabo ayaa watay Boorar ay ku sawiran yihiin Madaxda dowladda iyo Marxuum Cabaas Siraaji.
Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa markii dambe ku soo biiray madaxda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dhamaan dadkii ka qeyb galay banaanbaxa ayaa Dowladda Soomaaliya waxa ay ugu baaqeen in ay Cadaalad u sameeyay Marxuum Cabaas Siraaji isla markaana y toogtan Askarigii dilay.
Hoos Ka Daawo Sawirrada