Shirka maamulada degmooyijnka Gobolka Banaadir ayaa cawa lagu qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee xamar shirkaan ayaa waxaa shir Gudoominayay Gudoomiya Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) Waxaa looga halay shirka cawa Barnaamijka Bulsho bile oo ah baraamij cusub oo uu maamulka gobolka Banaadir ugu talagalay in lagu xoojiyo isdhaxgalka bulshada iyo dhiiragalinta soo bandhiga hal abuurka bulshada Caasimadda.
Dhinaca kalana kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay ammaanka magaalada Muqdisho iyo sida loosii dardargelin karo maadaama amnigu uu laf dhabar u yahay bulshada ku nool caasimadda,iyada oo la faray guddoomiyaasha in ay xilwey iska saaraan amniiga.
Ugu dambeyntii waxaa kulanka la iskula soo qaaday in lalaba jibaro ololaha nadafadda gobolka Banaadir iyo in caasimaddu ay noqoto meel nadaafadeedu ay sarayso iyada oo qashinka laga qaadayo dhamaan magaalada.