Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay kulan Casha Sharaf ah la Qaatay Ganacsata ka socoto Dalka Turkiga,kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho.
Ganacsatadan Ka socotay Dalka Turkiga iyo Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa kawada hadlay sidii maalgashi loogu sameeyn lahaa Caasimadda iyo iskaashi la xariira Horumarinta kobaca Dhaqaalaha.
“Waxaa kulan la yeeshay Ganacsata ka socoto Dalka Turkiga oo joogay Muqdisho,waxaana ka wada hadlay sidii ay maalgashi ugu sameeyn lahaayeen Caasimada iypo xoogjinta ganacsiga Soomaaliya iyo Turkigaâ€ayuu yiri Duqa Muqdisho.