Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Maanta xarunta Aqalka dowlada hoose ee Xamar kulan kula qaatay Ergayga Midowga Africa u fadhiya Soomaaliya Francisco Mandeira.
Guddoomiye Cumar Finish iyo Mandeira. ayaa wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhexeeysa maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska AMISOM.
Sidoo kale Duqa Muqdisho iyo Ergayga Midowga Africa u fadhiya Soomaaliya ayaa si gaar ah uga wada hadlay sugida amniga Casimadda, la ladagaalanka Al-shabaab iyo u diyaar garowga Arrimaha Doorashooyinka 2020/2021.
Kulanka Guddoomiyaha Gobolka uu la qaatay Francisco Mandeira ayaa waxaa ku wehlinaayay Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim dheere iyo xubno kale.