Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Mgaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir Guddoomiyay shirkii asbuuclaha ahaa ee Maamulka sare ee gobolka Banaadir iyo guddoomiya yaasha Degmooyinka shirka waxaa looga hadlay Xoojinta amniga Caasimadda bilic soo celinta nadaafada
tirakoobka guryaha iyo Wadooyinka waaweyn
Sara u qaadida daqliyada kala duwan dowlada hoose ee xamar.
Guddomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa mafaalada Muqdisho ayaa warbixino la xiriira amniga nadaafadda iyo adeegyada kale ee bulsho ka dhageystag guddomiyaahsa degmooyinka gobolka Banaadir,iyada oo si aad ah looga hadlay howlaha la xiriira sugidda amniga caasimadda.
Guddoomiyaasha degmooyinka ayaa la faeay dhamaan in ay xoojiyaan howlaha iyo adeegyada iyo kale ee bulshada ku nool Muqdisho ay u baahanyihiin,kulankaan ayaa ku soo beegmay xilli Alshabaab weerar ay ka geysteen hoteelka SYL oo ku yaalla ka soo hor jeedka xarunta Villa Somalia.