Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa Galabta waxa ay xarruunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hergeysa kulan ku la yeesheen guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed {Cumar Filish}.
Kulanka guddiga ay la yeesheen guddoomiyaha gobolka Banaadir waxaa shir gudoominaayay guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.Carab}.
Ujeedka Kulanka ayaa ahaa sidii guddoomiyaha gobolka Banaadir uu guddiga ugu soo bandhigi lahaa talooyinkiisa ku aadan sharciga Doorashooyinka Qaranka oo ay haatan soo diyaarintiisa ay guddigaan gacanta ku hayaan.
Guddoomiyaha Guddiga KMG ah soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ayaa kaga mahadceliyay gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Cumar Filish talooyinnkiisa waangsan uu ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka.
Kulanka uu guddiga la yeeshay Guddoomiyaha gobolka banaadir ayaa ugu dambeyntii kusoo dhammaaday jawi wanaagsan.