Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyada ee Xukuumadda Soomaaliya oo booqasho shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa waxa ay kulamo kala duwan la qaateen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta dalka Jabuuti oo ay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta dalka Jabuuti Mudane Mudane Cabdi Youssouf Sougueh ayaa waxa uu sheegay in ay doonayaan in ay wada yeeshaan labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti xiriir dhow ee dhinaca iskaashiga isgaarsiinta iyo Boostada.
Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Cabdi Cashur Xasan ayaa ammaanay horumarka ballaaran ee Dowladda Jabuuti ka samaysay dhinaca horumarinta adeegyada la xiriira xargaha Fiber optic-ga isaga oo sheegay in ay wax badan ka faa’iideysan doonaan khibradda dowladda Jabuuti.
Sawirro