Afhayeenka Madaxtooyadda dalka Turkiga, Ibraahim Kaliin ayaa maanta sheegay inay soo diri doonaan Diyaarad Milliteri opo Ambalaas ah, si dadka dhaawacmay daawayn caafimaad loogu soo qaadi lahaa  dalka Turkiga.
Hadal-qoraal oo uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan amar ku bixiyey in loo diro Somalia Diyaaradaas iyo in Adeeg Caafimaad lagu caawiyo Isbitaalladda Muqdisho.
Dhinaca kale, Dowladda Turkiga waxay horey u cambaaraysay Qaraxaasi ay dadka badan ku geeriyoodeen, kuna dhaawaceen.
Hadal qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga ayaa lagu sheegay inay DFS ka taageeri doonaan Adkeynta Ammaanka, waxayna u tacsideeyeen Qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoope ee magaalladda Muqdisho.